Wasaarada Arimaha Dibada Kenya oo kala Heshiisay Dowlada Soomaaliya Sida ay ugala heshiin lahayd Arinta Bada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma oo ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo laga wareystay muranka badda ee ka dhexeeya Kenya iyo Somaliya, waxaa ay yeesgtay in iyaga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis dhigaya inaan maxkamad la aadin, oo wada hadal wax lagu dhameeyo!!

Monica Juma ayaa sheegtay inay raadinayaan waddooyin kale oo lagu xalinayo arrintan, iyadoo ka dhawaajisay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu wada hadal u socdo.

“Dabcan, dal kasta wuxuu xaq u leeyahay tallaabooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay Maxkamadda socota, waxaan weli raadineynaa dariiqooyin kale, Waxaa wada hadal noo socdaa dowladda Soomaaliya, waxaanan rajeynaynaa inaan gaarno heshiis”ayay tiri Monia Juma oo wareysi siisay Wargeyska New African Magazine oo wax laga weydiiyay arrinta muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya.

Arrintan ayaa shaki badan Galin Karta Bad qabka Xukuumada Nabad iyo Nolo oo uu hogaamiyaan Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Khayre iyada oo uu dharbaaxo culus  ku noqon doonta dowladda oo aan Wali ka hadlin arrinta muranka Badda.

Qoraal Fara baan oo ka dooda Falanqeeyane Siyaasa Soomaaliya ayaa qaba Haddii heshiiskaas uu jiro in uu yahay khiyaano qaran oo mudan in laga hadlo! Waa in maamulkan lagu cadaadiyo in heshiiskaas la keeno oo baarlamaanka iyo shacabka arkaan! sidaa waxaa yiri wariya ka howl gala Warbaahinta Muqdisho oo lagu magacaabo Abdi Aziz Ahmed Gurbiye.

Hadal haynta ugu badan Todobaadkaan ayaa loo arkaa Warka ka soo yeeray Wasaarada Arimaha Dibada Kenya ee ku aadan Muranka Bada Soomaaliya, iyada oo aan wali Xasuusano saamayntii Siyaasada ee ay ku reebtay Ra’isulwasaare sharma’ake iyo wasiirkiisii qorshaynata ooaan wali ka kabsan Jawaab lagu qancane uhayn sixii MOU ee 2009.

Ra’iisal wasaaraha Somaaliya ayaa horay ushheegayin dowlada ay kaalin mugle leh ka qaadatay  difaacida Bada Somaaliya ee dawlada Kenya ay muranka Galisay, waxaana Halkan idiinku soo Gudbinaynaa muuqaal hore ay warbaahinta caalamiga ahi uga duubtay xili uu kusugnaa Afaafka maxkamada caalamiga ah ee Holland.

Lama Oga in ay wax iska Badaleen Mowqufka R’isulwasaaraha iyo uu wali sidii uu yahay, waxaa laga dhowr sugayaa waxa xiga waraysiga Wasiirka Arimaha diba ee Kenya Monica Juma iyo waxa ay oran doonaan Madaxda Sare.

Leave a Reply

Your email address will not be published.