Cabdi wali Gaas ” Ma ogolaan doono Muuse Biixi oo Hargeysa ka yimid in Tukaraq Nabad ku joogo”

Hogaamiyaha Maamulka Puntland oo Garowe dib ugu laabtay ayaa hambalyo u diray ciidamada Puntland waxa uu sheegay in ay iska difaaceen Ciidamada  Somaliland ee ku soo duulay sida uu hadalka udhigay.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in diyaar u yihiin in ay iska difaacaan gardarada maamulka uu hogaamiyo Muuse Biixi, waxa uuna cadeeyay in aysan marnaba aqbali doonin in dad Hargeysa kasoo duulay dhulkooda xoog ku joogaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay shacabka kasoo jeeda Puntland ee jooga gudaha iyo Dibadda in ay u diyaar garoobaan difaaca Dalkooda ,waxa uuna cadeeyay in Puntland mar walbo diyaar u tahay in ay is difaacdo.

”Waxaan hambalyo u dirayaa ciidamada Difaaca Puntland ee kahor tagaya dadka Hororka ee doonaya dhul aysan laheyn in ay kusoo duulaan ay qabsadana hadana nabad ku joogaan, waxaan sidoo kale ugu baaqayaa shacabka Puntland meel kasta ay joogaan in ay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

sidoo kale waxa uu yiri asiga oo sii hadlaya ” Waxaan u sheegaya Muuse Biixi iyo Dowladiisa gooni u goosadka in Puntland diyaar u tahay in dhulkeeda difaacato iskana celiso cid kasta oo kusoo duusha, waxa ay ku socdaan xaqdaro ,dhul aysan laheyn ayey rabaan in ay xoog ku qabsadaan suurto galna maahan, waad garaneysaan meesha uu ka yimid Muuse Biixi, Hargeysa ayuu ka yimid Tukaraq ayuu rabaa in uu yimaado uu ku nabad joogo suurto galna maahan sidaas ayaan u sheegayaa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.