Warbaahinta Caalamka oo Tabisay dhacdo Xanuun Badan oo ay ku kaceen yahuuda Israel

Ciidamada Israa’il ayaa maalintii Isniinta waxa ay laayeen dad badan oo Falastiiniyiin ah oo ka banaan baxayay Furitaanka Safaarada Dowlada Mareykanka ka furaneysay magaalada Qudus.

In ka badan 60-qof oo shacab Falastiiniyiin ah ayaa ciidamada yahuuda ku dileen Marinka Gaza, waxaana dadkaasi la laayay isugu jireen dhalinyaro, dad waa wayn, Haween iyo caruud aad u da’yar.

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa geerida  Layla Anwar Al-qanduur oo 8-bilood jir aheyd, waxa ayna gabadhan kamid noqotay dadkii badnaa ee ciidamada Yahuuda ku dileen Marinka Gaza.

Layla Anwar Al-qanduur ayaa la sheegay in ay u geeriyootay sunta ciidamada Israa’il ku buufinayeen dadka banaan baxa dhigayay, waxa ayna gabadhan yar noqotay qofkii ugu yaraa ee ku dhinta banaan baxaasi.

Israa’il ayaa si arxan dara ah u laaysay shacabka Falastiin iyaga oon u kala saarin caruur iyo waayeel, mana jirto cid wax ka qabaneysa Xasuuqa iyo dhibaatada kale Yahuuda ku hayaan shacabka Falastiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.