Daawo Masuul Caan ka ah Somaliland oo Dagaalka Tukaraq darteed ucaayay U weeraray Madaxwayne Farmaajo

Waxaa sii badanaya Dadka ka hadlaya Xiisada ka taagan Magaalada Tukaraq ee Gobalka Sool oo shalay uu ka dhacay dagaalkii ugu khasaaraha Badnaa Sanadii ugu dambeeyay ee dhex mara Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah UCID ee Somaliland, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey in gadaal ay ka riixeyso dagaallada ka socda deegaanka Tukaraq oo ka mid ah gobolka Sool.

Gudoomiye Waraabe oo wareysi siiyey Idaacada ku taala Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in xilligaan wax laga xumaado ay tahay in uu daato dhiig dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa sheegay in aanu jirin wax la yiraahdo Puntland, ayna jiraan oo kaliya Somaliland iyo Soomaaliya sida uu hadalka u dhigaye.

“Muqdisho ayaa nalooga soo duulay, dagaalka illaa Xamar ayuu imaan doonaa, weyna isku xiran yihiin Muqdisho iyo Hargeysa” ayuu yiri Faysal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.