Faah faahin Qaraxyo Caawa Muqdisho Gil gilay Shabaab oo war ka soo saaray iyo Dowlada oo ku tilmaamatay Dheemish

Faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan Madaafiic iyo qaraxyo caawa fiidnimadii lagu weeraray qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Hoobiye yal aan loo ogeyn halka laga soo ridayey ayaa lagu garaacay xaafadaha qaar, waxaana barbar socday qaraxyo kale oo loo adeegsaday bambooyin gacanta.

Xaafadaha laga maqlay madaafiicda iyo qaraxyada ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka Wardhiigley, Hodan, H/wadaag, Waaberi, Xamar weyne, Dayniile, Xamar jajab oo ka wada tirsan Muqdisho.

Duqeymahan oo aaney cadeyn halka lala beegsanayey ayaa markii ay bilowdeen waxaa khal-khal badan uu ku yimid dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ka kala cararay laamiyada iyo goobaha kale ee la iskugu yimaado.

Goobaha caawa sida tooska ah loo weeraray waxaa ka mid ah fariisimo ciidan iyo guryo ay degan yihiin saraakiil ka tirsan dowlada, qaar ka mid ah ilaaladooda ayeyna dhaawacyo soo gaareen.

Laamaha amaanka  ayaa sheegay in qaraxyadii caawa ka dhacay magaalada ay ahaayeen kuwo dheemish ah oo loo adeegsanayey Baaruud iyo bacyo la macmalay, iyagoo xusay in ujeedada laga lahaa ay aheyd in magaalada la khal khal geliyo, iyagoo sidoo kale tilmaamay inay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay.

Xoogaga Ammaanka ayaa sheegay iney tageen goobo kala duwan oo dhawaqyada qaraxyada laga maqlay hase yeeshee aysan la kulmin qof ay waxyeello ka soo gaartay wixii caawa laga maqlayay magaalada.

War Al-shabaab ay ku faafisay baraha internetka ee afkooda ku hadla ayey ku sheegatay masuuliyada qaraxyada iyo weerarada caawa hareereyey Muqdisho.

Qaraxyadan oo illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen ayaa ku soo aadaya xili dowlada Somalia ay balan qaaday iney xoojineyso amaanka magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo caawa kowsatay

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.