Faah faahin Dagaal Markale ka qarxay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool

Wararka saakay ka imaanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeya Maamulada Somaliland iyo Puntland uu wali ka socdo Tukaraq, iyadoo uu bilaawday dagaalka xalay saqdii dhexe.

Ciidamada kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa isu adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda goobta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay kala gaarayaan gurmadyo ciidan iyo saanado hub, waxaana dagaalka laga cabsi qabaa inuu deegaano hor leh ku fido.

Labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyo ayaa waxaa kala gaaray khasaaro kala duwan, iyagoo kala sheeganaya guulo, isla markaana la kala qabsaday gaadiidka dagaalka.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Khasaaraha dagaalka inkastoo aanan jirin cid si rasmi ah uxaqiijin karta.

Dhimashada SOMALILAND 24 Askari
Dhimashada PUNTLAND 14 askari.
Dhaawaca SOMALILAND 51 askari.
Dhaawaca PUNTLAND 32 Askari.

Saddex gaari oo laga qabsadey PUNTLAND.
Labo gaari oo laga qabsadey SOMALILAND.
Gaari laga gubay PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published.