Ciidankii Ugu Badnaa ee Maamulada Puntland iyo Somaliland oo Tukaraq Gaarey Gobolada ay Ka Soo Jeedaan iyo Goob Jooge Ka Sheekaynaya Xaaladda Saaka.

Iyada oo xaalada deegnka Tukarq aan diirada ku hayno aya waxaa hada soo baxaya warar sheega in xalay saqdii dhexe deegaankaasi ay gaareen ciidankii ugu badnaa oo gurmad ah oo u yimid ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Gurmad Soomaaliland ayaa ugu yimid sida Goobjoogayaal noo xaqiijiyeen magaalada Hargaysa, deegaamo katirsan gobolada Sanaag iyo Awdal oo ay kuy xoogan yihiin Maamulka.

Halka Maamulka P[untland ay ay ciidankii ugu badnaa ee ka baxeen gobolka Mudug oo ah meesha ugu xoogan oo ciidan ujoogo.

Ciidamadaas ayaa xalay saqdii dhexe gaarey deegaamo katirsan gobolka Sool gaar ahaan fariisimadii shalay lagu dagaalamay iyo saldhigga Fallayryaale.

Gurmad Labada ciidanba waxaa  soo gaarey, ayaa dhaliyay in saakay Aroortii Rasaas teel teel ah laga maqlo Magaalada waxaana laga Baqdin baqdin qabaa in dagaalku Xoogayso haddii aan Midkood ka bixin Magaalada.

sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Dhimashada labada dhinac kala gaartey ayaa lagu qiyaasayaa 30 qof, halka dhaawucu intaas ka badan yahay, Maamulka Puntland ayaa sheegtey in ay qabsadeen ilaa 9 gaari oo tikniko ah, halka Somaliland sheegatey in ay qabsadeen 6 Tikniko ah oo Taangi ku jiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.