War Deg deg ah Mid ka mid ah Lataliyayaasha Ra’isul Wasaaraha oo is casilay iyo sababta oo la ogaaday

War hada Na soo garay ayaa sheegaya in uu is casilay C/qaadir Nadaara oo ahaa lataliyaha dhanka Warfaafinta ee Xafiiska Raisul Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali khayre.

Sida uu Wararka Magu soo gaaray C/qaadir Nadaara oo mudo ahaa Lataliyaha Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hada go’aansaday in uu xilkaasi iska casilo isaga oo ku sugan magaalada London ee caasimada dalka Britain, warar soo baxay ayaana sheegaya in uu doonayo in uu ka Mid Noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Warar aan helnay oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Nadaara  uu doonayo in uu isku soo sharxo kursiga xildhibaan ee Baarlamaanka  Soomaaliya uu baneeyay Agaasimaha hay’dda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Doorashada kursigaan ayaa lafilayaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xaruna KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana Nadaara uu kamid yahay xubnaha ugu cad cad ee laga yaabo in kursigaas ku soo baxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.