War deg deg ah Dagaal Xoogan oo Saakay dhacaya Deegaanka Tukaraq

Wararka maanta ka imaanaya Gobalka Soo gaar ahaan deeganka Tukaraq ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Warar kala duwan ee ka soo baxaya dagaalkaasi ayaa tilmaamaya in khasaaro uu soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay inkastoo aan si rasmi ah aan loo xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Dhinacyadaas dagaalamaya ayaa muddooyinkii dambe deegaankaas isku hor fadhiyay, waxaana ay wadeen dhaq dhaqaaq ciidan iyo abaabul dagaal.

Ciidamadaan kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland ayaa shalay ku dagaalamay deegaankaasi iyadoona maanta deegaanka uu ka soconaya dagaal aad u qaraar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.