Somaliland iyo Puntland oo ka hadlay dagaalka tukaraq Mid kastana Guulo ka sheegtay

Faafaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal culus oo saakay kja bilaawday Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool kaas oo udhaxeeyay Ciidamo kala Taabacsan Maamulaga Puntland iyo Somaliland.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Goob jooga yaal ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in uu jirto cabsi xoogan oolaga qabo in uu dagaalkaKu fido deegaano hor leh oo aanu horay uga dhicin dagaalka.

Xaalaa tukaraq ayaa la sheegay in tahay wakhtigaan mid dagan oo ay kala joogsadeen dagaaladiiXooganaa , inkastoo rasaas teel teel ah lagu isku ridayo.

Saakay ayaa waxaa ka halay dagaalka Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xersi Qarjab oo Somaliland ku eedeeyay in dagaalka ay soo ku soo qaadeen ciidamadooda ku sugan deegaanka Tukaraq, waxa uuna sheegay in uu jabiyeen ciidanka Somaliland.

Dhankale madaxweyne Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi oo ka hadlay ayaa sheegay in uu guulo lataaban karo ay gaareen ciidamada Soomaaliland ee ku sugan aaga Tukaraq ee gobolka Sool.

“Waxaan u sheegaynaa ragga saaka na soo weeraray in aan u dhigi doonno casharkii aanu u dhignay Afwayne oo aabbahood ahaa waxaan u sheegaynaa in aan u dhigi doono casharkii aanu u dhignay kuway wax moodayaan ee Moorgan iyo qayrkood”!ayuu yiri madaxwayne Muuse biixi

Leave a Reply

Your email address will not be published.