Wasiirka Arimaha Dibada oo laga reebay safarka Madaxwaynaha iyo Fahad yasiin oo ku wehliya Safarka Qatar

waxaa warar dheeraad ah ka soo baxayaa safarka Madaxwaynaha iyo wufuuda la socota iyada oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ee Doxa u ambabaxay laga reebay safarka Madaxweynaha, xilli uu garoonka diyaarsanaa in uumadaxwaynaha Safarka ku wehliyo.
wararka qaar oo la helay ayaa ku macnaynaya sababta uu uga haray safarka Madaxwaynaha, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan uu gaaray Magaalada Dooxa kaas oo aan horay ugu jurin qorshaha safarka Madaxwayanaha, waxa ayna arintaan ku dhacday si lama filaan ah.
 
Wasiir qorshaynta oo ka baxay Magaalada Nairobi ayaa waxaa safarkiisa ku sii wehliyay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad YaasiinXaaji Daahir iyo La Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan.
 
Wasiir Cawad ayaa Maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa wanaajinta xiriirka UAE iyo Soomaaliya oo gaaray meeshii ugu Xumayd Taariikhda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.