Sidee loo Aas-aasay Ururkii Gobanimo Doonka Soomaaliyeed ee SYL

Waxaa saacadihii ugu danbeeyay sii xogaysanaya qaban qaabada Munaasabada Maalinta dhalin yarada Soomaaliyeed ee 15 may oo ku beegan Maalintii dhidibada loo taagay Ururkii Gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL Sanadkii 1943.
Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa lagu waaa in Caawa ay magaalada Muqdisho ku qabtaan munaasabdo lagu xusayo Maalinta Qiimaha Badan ee 15-ka May.
Hadaba Waa tuma Maalinta Dhlinyarasa Soomaaliyeed ay sida wayn ugu dabaal degaan?.
Maalinta 15-ka May waa maalin aad ugu qiimo badan Shacabka Soomaaliyeed Sanadkasto markii la gaaro maalintaan oo kale waxaa dalka gudahiisa iyo dibaddiisa lagu qabtaa Munaasabado waa wayn oo lagu Xusaayo maalinta dhalinyarada soomaaliyed.
Ururkii Gobanimo doonka ahaa ee SYL ayaa waxaa si qarsoodi ah loo Aas-aasay xili habeen ah maadaamada dalku uu ku jiray Xaalad Daran Oo Gumaysi ah, waxaana lagu dhisay Guri ku yaala Wadada Caanka ah ee Via Roma, Sida lagu soo tabiyo taariikhda.
Gumaystihii Taliyaaniga oo aad iskaga ilaalin jiray kacdoonada ayaa si wayn kaga fiyi jignaa dhaqdhaqaayada kacdoonka Xurnimo doonka, meelaha ay dadwaynaha isugu imaadaan ayaa waxaa ilaalo xoogan ka haayay Askarta Gunaystihii taliyaaniga, sida shaneemooyinka oo ay gadaal ka fariisan jireen si ayna ushowrin, Ururka SYL ama Leegada ayaana hindisay Urur kale oo lagu jaha wareeriyo Gumaystaha waxaa loo bixiyay SYC.

Waxaana ka mid ahaa dhalinyaradii habeenkaas qiimaha badan xaadiaray Gogashii lagu aas-aasay ka mid ahaa Cali Verdura, Gogasha ayaana ahayd mid qabyo oo Mawada dhamayn dhalin yarada maadaama ay Baqdin xoogan jrtay.

dhalinyarada SYL ayaa axdi ahaan isku dhaarsaday sadex qodob oo aad umhiim ahaa maadaama dhalinyarada xitaa ay kala fikir duwanaayeen, waxaa ayna ahaayeen dhallinyaro da’doodu u dhxeeya 15-21, kana tirsanaa kooxo dhowr ah sida qaar ka tirsanaa dariiqa, Suufiyada oow Aways iyo Qaadiriyaba, waxaana ka mid ahaa Dahir Xaji Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi, sidoo kale waxaa jiray kooxo kale oo aqon yahano ah sida Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur iyo koox 3-aad oo aad u yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo iyo Maxamed Hilowle, sidaa uu xaqiijiyay inta uu noolaa alaha unaxariistee Cali Verdura.
Axdiga ay isku dhaarsadeen ayaa waxaa ka mid ahaa sadexdaan qodob.
1) In soomaaliya ay mid ahaato la iskuna keeno.
2) in qabyaalaa laga fogaado sidoo kale Kooxaysiga.
3) iyo dadka soomaaliyeed wax la baro.
Waxa ayna Golo ahaan ka koobnaayeen 13 dhalin yaro ah:
1-Yaasiin Xaaji Cusmaa
2- Cabdulqaadir Sheekh Saqaawaddiin
3-Xaaji Maxamed Xuseen
4-Daahir Xaaji Cusmaan
5-Maxamed Cali Nuur
6-Maxamed Cusmaan Baarbe
7-Khaliif Huudow Macallin
8-Sayiddiin Xersi Nuur
9-Cusmaan Geeddi Raage
10-Dheere Xaaji Dheere
11-Cali Xasan Maslax
12-Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi
13-Maxamed Faarax Hilowle
ugu danbayn 75 sano ka dib 28 naso oo dhibaato bur bur iyo baylah ah waxaa dalka hada leeyahay dowlad uu caalamku aqoonsan yahay balsa aan awood buuxda ulahayn maarynta dhaqaalaha iyo amaanka Guud ee dalka waana wali ku shaqaysa Nidaamka Xaaraanta ah ee 4.5 oo dadka kala saraysiinaya, iyada oo ay 75% dadka Soomaaliyeed yihiin dhalinyaro balsa aynan muuqato Kaalintii ay ku lahaayeen dalka iyo doorkii shariifka ahaa ee ay ka qaateen Xunimada aan maanta haysno dhalinta aan udabaal dagayno maalintooda ee SYL.

Leave a Reply

Your email address will not be published.