Hogaamiyayaasha Maamul Gobaleedyada Oo Maanta ku kulmaya Magaalada Baydhabo Ogaaw ajandaha Shirka

waxaa maanta magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur galbeed ka furmaya shirka Golaha Iskaashiga Maamul gobaleedyada oo la filayo in uu lee yahay Xasaasiyad Gooni ah.

Shirkaan oo ah kii ugu horeeyay tan iyo Markii Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbalabd, ayaa waxaa looga hadlayaa xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Dowlada Fedaraalka iyo qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada.

sidoo kale waxa ay xooga saari doonaan dhanicyo fara badan oo madaxda Maamulada ay u arkaan Muhiim sida culees ay sheegeen in ay kala kulmayaan Dowladda Soomaaliya, culeeska ayaa ku qotoma Awoodaha Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Horjoogaha Maamulka Puntland Cabdiwali maxamed Cali Gaas ayaa shalay warbaahinta u sheegay iney ka arinsan doonaan Amaanka, dhaqaalaha, Siyaasadda iyo arimo kale.

Shirkaan ayaa mid ay ku sii jeedaan dhamaan indha siyaasyiinta iyo dadka falanqeeyo, iyada dadka taageersan Dowlada dhexe ay qabaan in ajandaha ay ka hadlayaan dalal shisheeye usoo dhiibeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.