Dagaal Khasaaro gaystay oo Dhex maray Ciidamada Somaliland iyo Puntland

Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saakay Aroortii uu halkaas ka dhacay Dagaal kooban oo udhexeeya Ciidamada Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa Qof ayaa ku geeriyooday 3 kala dhawac ayaa kasoo gaaray hub Xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen, inkastoo aysan jirin faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa dagaalkaas.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidanka Maamulka Puntland ayaa sheegay inaysan jirin wax sidaas u weyn basle ay ahayd Hub laysku Tuuray kaasoo wax sii weyn aan gaysan.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay meel banaanka ka ah degaanka Tukaraq oo soo xigta dhanka Puntland, waxaana la sheegay in labadda ciidan ay isku dhaceen in ay ku jireen howlgal ciidamada Somaliland, xaaladda degaanka Tukaraq ayaa hadda degan, balse waxaa jirta wali Xiisad colaadeed.

Iska horimaadkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Qaramadda Midoobey ay waday dadaallo Nabadeed oo ku aadan sidii ciidamada halkaasi ku sugan loo kala qaadi lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.