Daawo Khayre iyo Isloow laamiyada Muqdisho socda

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyrre iyo Wasiirka amniga Gudaha Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa xalay kormeeray qaar ka mid Fariisamaha Ciidamada amaanka ee ku leeyihiim magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaare Kheyrre ayaa u kuur galayay qaabka ay amaanka u sugaan Ciidamada Dowladda, waxa uuna meelaha qaar uu kula hadlay Saraakiisha amaanka ee degmooyinka Gobalka Banaadir.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa u diyaar garoobeysa iney waxbadan ka qabato amaanka Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay dilalkeedu ay kordheen.

sida caadada ah marka la gaaro bisha ramadaan ayaa waxaa kordha dilalka iyo qaraxyada ay gaystaan Kooxaha Jihaad doonka ah, dowlada ayaana diyaarisay ciidamo Fara badan oo loogu tala galay wax ka qabshada Amaanka Muqdisho 90 ka cesho ee ugu soo horayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.