Amiirka Qatar iyo Madaxwayne Farmaajo oo maanta Kulmaya iyo waxyaabaha looga hadlyo kulanka Laba Geesoodka oo la ogaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maalinimadii shalay ay booqasho rasmi uga bilaabatay magaalada Doxaee xarunta dalka qatar ayaa maanta kulan la qaadan doona Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thaani.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xalay kulan horudhac ah ay yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar oo salaan ugu yimid Hotelka uu ka degan yahay magaalada Doxa Caasimada Dalkaas.

Kulankan Madaxwaynaha iyo Amiir Tamiim ayaa looga hadli doonaa xiriirka labada dal ee sida Xowliga ah usii Hagaagaya, Ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimo kale oo iskaashi ah.

Waxaa la filayaa in labada dhinac ay kala saxiixdaan heshiisyo Maalgashi u badan iyo mashaariic horumarineed oo ku baxaya mallaayiin doollar, waxaana ka mid ah dib u howl gelinta Shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airline, iyo in ay Muqdisho ka shaqo bilaawdo Duyuurada Qarae Airways.

Madaxwayne Farmaajo ayaa la kulmay Amiirka Qatar sanadkaan Guduhiisa wax ka badan 3 jeer, waxaana labada hoggaamiye isugu dambeysay shirkii Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay Magaalada Istanbul bishii December ee sanadkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published.