Khayre ooGoob fagaara ahka sheegay Mid ka mid ah Arimaha uu xoogfa saarayo

iyada oo maanta laga daahfuray Muqdisho Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo ay ka qaybgalayaan in kabadan 350 qof oo isaga kala yimid gobolada iyo dalka dibadiisa.

Shirkaan oo uu ka qayb galay KusimahaMadaxwaynaha Jamhuuriyada Fedaraalka ah ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha BaarlamaankaFedaraalka, Gudoomiyaha Aqalka Sare Ra’isul Wasaaraha Xukuumaa Fedaraalka ah ee Soomaaliya iyo Ergo ka kooban 350 qof iyada oo ay sidoo kale ka qayb galay Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Safiiro, Gudoomiyayaasha Baarlamaanada Maamul Goboleedyada dalka ka jira, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowaladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyda.

Ra’iisul Wasaare khayre oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka uu qeyb ka yahay Arimaha ugu waa wayn ee horyaalla Dowlada.
“Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa sidii ammaanada ay ugu wareejin laheyd shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed waa inaan dhameystirnaa Dastuurka, si muwaadin kasta uu u ogaado xaqa lagu leeyahay iyo waajibaadka uu leeyahay, waa inaan dhameystirnaa Dastuurka, si aan dalka u gaarsiino Doorasho qof iyo cod ah.” Ayuu yiri.

Maanta ayaa muqdisho laga daah furay Shirwaynaha Qaran ee dastuurka iyada oo Xukuumadu sheegtay in ay bixin doonto lacag dhan 3 milyan oo dollar oo lagu dhamaystirayoDastuurka uu yeelanayo dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.