Trumb oo mar kale Ku dhawaaqay Go’aan ka fajaciyay Caalamka

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaciyay in Mareykanku ka baxay heshiiskii Niyuklerka ee dalalka reer galbeedka la galeen Iran.

Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu cunaqabetyn hor leh ku soo rogi doona dalka Iran, oo uu ku edeyeeya Iran inay taageerto kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa  heshiiskaasa uu ka baxay waxa uu ku tilmaamay mid mussiibo ah oo aan Iran ka hor istaageyn inay yeelato hub Niyuklerka, waxaana uu intaa raaciyay in heshiiskaasi uu yahay mid Iran uun dan u ah heshiiskaasi waxa uuna Cadeeyay  in uu talaab ka qaadi doono.

Hogaamiyaha Dalka Iran, Hassan Rouhani oo ka hadlay hadlay daqiiqado  kadib ayaa ku dhawaaqay go’aankaasi ayaa sheegay in Iran ay kusii socon doonto heshiiska, oo halkaasi ay kasii amba qaadi doonaan iyaga iyo dalalkii kale ee qeybta ka ahaa heshiiskaas.

Horjooga yaasha Dalalka Fransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa muddoyinkii dambe waday dedaalo ay ku doonayeen in Madaxweyene Trump uusan ka bixin heshiskaasi.

Balse waxaan ilaa iyo imika aan kala cadeyn waxa xiga iyo tallaabada xigta ee ay qaadayaan dalalka qeybta ka ahaa heshiiskaasi, madaama Trump uu sheegay in sidoo kale cunaqabateyn ay kusoo rogi doono dalalka kale ee xiriirka dhaqaale la sameeya Iran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.