Daawo Dowlada Soomaaliya oo diyaarisay Ciidamo fara badan oo ka qayb qaadanaya Sugida Amniga Muqdisho

Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyada Fedareaalka ah ee  Somaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada amniga. Agaasimaha Hay’ada NISA, Taliyaha Ciidamada Asluubta iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa maanta waxay kormeer ku tageen Xarunta ee howlgalka Xasilinta Caasimada ee loo yaqaanXarunta Xisbiga.

Booqashada Masuuliyiinta ayaa ku aadaneed Ciidamao fara badan oo lagu diyaariyay halkaas looguna talagay Sugida Amaanka Muqdisho iyada oo ay fooda nagu soo hayso Bisha barakaysan ee Ramaadan taas oo looga bartay Alshabaab in ay kordhiyaan weerarda iyo qaraxyada Qorshaysan.

Askarta faraha badan ee maanta la soo bandhigay  ayaa la sheegay in loo soo xulay Howlgalka xasilinta Muqdisho oo sanadkii la soo dhaafay si xowli ah uga socday Gudaha Magaalada.

Musuuliyiinta Maanta gaaray xarunta Xisbiga ayaa la dardaarmay ciidanka iyaga oo xasuusiyay In ay udhaarteen ilaalinta Amaanka iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa la hadlay Ciidamada,waxaana uu ku baraarujiyey inay mas’uuliyad iska saaraan Sugida Amniga Muqdisho, ayna shacabkooda ka difaacaan kooxo uu ugu yeeray cadow nabadiid ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.