War deg deg ah Nin qoyskiisa ku laayay Degmada Wada Jir ee Gobalka Banaadir

War deg deg ah oo hada soo dhcay ayaa sheegay in Nin hubeysan uu goor-dhaw degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho dilay 4 oo ay isku qoys ahaayeen kadibne isagu istoogtay.
 
Dadka deegaanka ayaa sheegay in uu rasaas ooda kaga qaaay, kuwaas oo ugeeriyooday rasaasta.
Afarta qof ayaa waxa ay ahaayeen 3 walaalihii ah iyo gabar uu qabay ninka rasaasta furay.
 
Cabdul qaadir Caddaan, ayaa laayay afar qof oo qoyskiisa ah waxaana lagu kala magacaabaa Xaawo Maxamuud Caddaan oo ah Walaashiis, C/llaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuur-yare oo ay Ilmo Adeer ahaayeen iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabo Xaliimo Xuseen Cali Kowshe.
 
iilaa hada si rasmi ah looma oga waxa ka dambeeyay dhacdadaan Mureagada leh ee ka dhacday degmada wadajir ee Gobalka Banaadir, Sanadihii ugu dambeeyay ayaa soo badanayay dhacdpooyinka Noocan ah iyada oo bil ka hor gabar isku dishay degmada yaaqshid ee gobalka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.