Facebook oo shaqada ka eriday injineer lagu eedeeyay basaasnimo ka dhan ah haweenka

Shirkadda Facebook ayaa shaqada ka eriday injineer ka dib markii lagu eedeeyay basaasnimo ka dhan ah haweenka isticmaala Facebook.

Shirkada wayn ee dhanka isgaarsiinta bulshada noqotay mida ugu istcimaalka badan ayaa dhawaanahaan waxa asoo food saaraya fadeexooyin kala duwan oo ku aadan xogaha isticmaalayaasha facbook.

Alex Stamos, oo ah madaxa nabadgelyada macluumaadka ee facebook, ayaa sheegay mar uu la hadlay BBC da in baaritaan deg deg ah  ku sameeyeen injineerka eeda loo jeediyay, cadaymo ka dibna ay shaqada ka eryeen.

Facebook ayaa bilaabay baaritaankaan ku saabsan howlwadeenkaan ka mida shaqaalaha shirkada ee ah in uu xogaha Haweenka isticmaala shabada xiriirka bulshada ee facebooga, ka dib markii shirkada latali dhan amaanka xogaha ay ka soo gudbisay dacwad, ahayd in injineerkaan uu xogaha haweenka si qaldan u istcimaalo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.