Warkii ugu dambeeyay Doorashada Gudomiyaha Baarlamaanka Musharax loo saadaalinayay ootanaasulay

War hada soo dhacay ayaa sheegaya in uu goordhaw Tanaasulay Gudoomiyhii hore ee Baarlamaanka FedaraalkaKMG ahaa ee soomaaliya kana mid ahaa musharaxiinta utartamayay xilka Gudoomiyuaha Golaha shacabka Shiikh aadan maxamed Nuur aadan Madoobe.

Madoobe oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in uu go’aansaday in doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ka tanaasulo isla markaana uu ka mid noqdo xildhibaanada Codaynaya.

aadan madoobesidoo kale waxa uu tilmaamay in uu doorashada uga tanaasulay ugana haray saaxiibadiisa kale ee la tartamayay isla markaana uu urajaynayo in ay ku guulaysan doonaan Kursiga.

waxaana hada si rasmi ah ubilaawday Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana soo xaadiray Kulanka Baarlamaanka mudanayaal gaaraya 262 Mudane waxaana shir gudoominaya Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha Shacabka ahna ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiwali Ibraahim Muudeey.

Ugu dambayna Doorashada ayaa waxaa ku guulaysan doono Murashaxii hela Codadad dhan 50+1 sida uu cadeeyay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.