Xiriirka ka dhxeeyay Dalalka Kuwait iyo Philippin oo sii Xumaanaya

Madaxweynaha dalka Philippines, Rodrigo Duterte ayaa sheegay in dadka u dhashay dalkiisa uu ka mamnuucay inay u safraan dalka boqortooyada Kuwait oo ka mid ah dalalka khaliijka, ka dib markii si fool xun loo dilay gabadh udhalatay dalka Philippines oo ka shaqaynaysay dalkaas.

Madaxweyne Duterte ayaa uyeeray dadka hada ku sugan dalka kuwait una sheegay in ay isaga soo tagaan isaga oo ubalan qaaday in dowladiisa ay dib udajin usamayn doonto hadii ay dalka dib uga soo laabtaan.

Dadka Philippines ah ayaan inta badan waxa ay yihiin dad ka xoogsada wadanka Kuwait, Xiriirka labada dal ee Philippines iyo Kuwait ayaa sii xumaanayay markasta wixii ka dambeeyay dhacdado xanuun badan oo lagu dilay Gabar shaqaale ahayd, waxaana aad uga Carooday qaabka foosha xun ee loola dhaqmo dadka Philippines ka ah iyo dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Rodrigo Duterte.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.