Wasiirada Arimaha Dibada Dalalka Turkiga, Ruushka, iyo Iran ayaa isku raacay in aan lagu xad gudbi kari Suuriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov o la kulmay wasiirada dhigiisa ah ee dalalka Turkey ga iyo iraan ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo inuu kala qeybiyo dalka Syria isla markaan uu dhagaha faraysanayo baaqyada loo soo jeedinayo iyo shuruucda caalamiga ah ka gadaal weerar gantaalo ah oo lagu weeraray dalkaas.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa wadahadalo ka dhaca wadanka Kazakhstan bisha kaas oo noqonaya kii sagaalaad ee ka dhaca dalkaas,waxaana kulan kaan dhowrki jeer ee horo looga hadlay arrimaha siyaasada iyo bani’aadanimada ee ka jira dalka Siiriya.

dalalka turkiga iyo Iran oo taageera Maamulka Bishaar al asad iyo dowlada Turkiga ayaa ah Hogaamiyayaasha shirka ayaga oo dhex dhexaadin usamaynaya Kooxha Mucaaradka iyo maamulka kali taliska ah ee Bishaar, wadahadlkaan oo ay ugu magac dareen Astaanta ayaa ;la doonayaa in lagu xaliyo dhibaatada dalkaas.

Turkiga oo daris la ah Suuriya ayaa ka walaacsan tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu mugdi soo kala dhex galay iyaga iyo reer galbeed wixii xiligaas ka dambeeyay turkiga ayaa ujihaystay ruushka oo la yeeshay xiriir aad uwanaagsan oo aysan horay ulahayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.