Ciyaartooyda Soomaaliya bari la ciyaara Finalka CECAFA U17 qaranka Tanzania

Ciyaartooyda Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ee 17ka sano jirada ayaa u soo baxay cayaarta finalka ah ee koobka CECAFA U17 ee ka dhacaya dalka  Burundi, ka gadaal markii ay ku dar dareen 1-0 kaga xulka koobka difaacanaya ee Uganda.

ciyaartooyda Soomaaliya ayaa la ciyaari doono maalinta bari kooxda qaranka Tanzania waxaana la filaya in ay ciyaartooyda Soomaaliya Koobka keeni doonaan magaalada Muqdisho waxa ayna horay usoo reebeen Xulul loo saadaalinaya in ay ku guulaysan karaan koobka sida dalka lagu marti galinayo kan difaacanay iyo kenya oo u muuqday mid awood badan.

Tanzania ayaa iyane soo reebtay kooxda kenya iyada oo uga badasisay ciyaaraha semi-finalka waxaana la sheegay in soomaaliya ay culays badan kala kulmi karto kooxdaan finalka la ciyaarayso.

wasiirka dhalin yarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay uhambalyaynayso xulkeeda ayada oo ubalan qaaday in ay abaal marin doonaan xitaa hadii aysan koobka soo qaadin

“waan u hambalyeynayaa dhallinyarada xulka qaranka Soomaaliya, abaalmarin ayeyna leeyihiin xataa haddii aysan koobka qaadin” ayay tiri wasiir khadiija diiriye.

Madaxwaynaha iyo ciyaartooyda iyo dadwaynaha soomaaliyaad ayaa si wayn usoo dhaweeyay Guusha taariikhiga ah ee soomaaliya soo hoysay 40 sano ka dib.

Leave a Reply

Your email address will not be published.