Mdaxwayne Waare oo shir Jaeraa’id ku dhex qabtay halka ay ku fataheen biyaha Wabiga shabelle

Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qaylo dhaan xoogan udiray Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed asiga oo shir ku dhex qabtay Halka ay biyaha ku fataheen ee magaalada Balawayne.

Madaxwayne Waare oo biyaha ku dhex jira ayaa sheegay in biyaha Wabiga Shabeelle dhaafeen xadiggii caadiga ahaa ee uu ku fatahi jiray Magaalada.

“dhulkii caadiga ahaa iyo Wabigii lama kala garanayo dhibaato xoog leh ayey bulshadu wajahayaan”

Sidoo kale waxa uu sheegay  dadka ay saamaynta ku yeelatay in ay gaarayaa Boqol kun oo qof oo isugu jira Caruur waayeel iyo haween “in ka badan 100 Kun oo ruux ama 26 Kun oo qoys dad lagu qiyaasay ayaa magaalada isaga baxay, badankood waxay wataan carruur, waayeel iyo dad xannuusanaya ayuu yiri”.

Waxa uu sheegay Madaxwayne Waare in dhibaato Xoogan ka jirto Magaalada waxa uuna Cadeeyay in ay magaalada Korantada ka go’antahay ayna shaqayneen shirkadaha Isgaarsiinta iyo aasaasiyaadka bulshada.

“Magaalo koronto aan laheyn, Aaladii EVC-ga aysan shaqeyneynin, sidoo kalana aan laga isticmaali karin lacag shil Soomaali ah, biyana ku socdaan waad garan kartaa dhibaatada ka jirtainta ay la egtahay ” ayuu yiri waare oo biyaha ku dhex jira.

Dowlada Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayuu udiray Qaylo dhaan XZoogan asiga oo sheegay in Magaalaa ay ka taagan tahay Xaalade adag isla markaana laga sugayo jawaab celin muuqata.

heyadaha caalamiga ah iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney gargaar la soo gaaraan dadka ku bara baxay fatahaadaha.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.