Booliska Nageria oo gacanta ku dhigay dad ka ganacsan jiray Ilamaha Agoonta ah iyo kuwa aan aabaha lahayn

Magaalada Lagos ee dalka Nageria ayaa waxaa ka imaanaya war argagax leh oo ku saabsan Ganacsi sharci daro ah oo lagu kala iibsanayo Caruurta agoonta ah iyo kuwa aan aabaha lahayn.

Booliska oo weerar ku qaaday ayaa ka soo furtay Goobta 100 gabdhood iyo 62 wiil oo halkaas lagu kala gadan lahaa.

dadka maamula goobta ayaa ku soo jiidan jiray haweenka dhalay ilmaha Agoonta ah iyo aan aabaha lahayn in ay siinayaan Daryeel caafimaad isla markaana ay qaabilayaan nolashood iyaga oo nafaqaynaya.

Dadka Goobta iska leh ayaa sidoo kale isticmaalaha qaabab ay ilmo kale ku heli karaan sida in ay haweenka Ilmaha dhalay kufsadan si ay u uuraystaan iyaga o aakhirka kala wareegaya ilmaha ay dhalaan.

Waxaana aad ubogaadiyay Ciidamada Booliska Dadwaynaha reer negeria iyo bulshada Caalamka ee sida aadka ah uga damqaday dhaqankaas foosha xun ee ka jira halkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.