Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo shir Gudoomiyay mid Hor dhac u ah magaalada Brussels

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xas\n cali khayre ayaa shir Gudoomiyay maanta shir hor dhac u ah mid dhawaan ka dhici doona magaalada Brussels  ee dalka Belgium ka.

Ra’siul wasaare khayre ayaa hor dhigay wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya siyaasada ay kula wareegi doonaan Amaanka Guud ee dalka qodob uu kaasi ka mid yahay oo looga hadalyo shirka dhawaan furmaya.

waxaana diirada lagu saari doonaa Amniga iyo sidii Amisom loogala wareegi lahaa amaanka dalka, shirka la filayo in uu todobaadkaan ka dhaco  Belgium ka ayaana looga hadli doonaa.

wakiilada Beesha caalamka, hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  qayb ka ah qorshayaasha ugu waaweyn ee ay Dowladda Soomaaliya ugu diyaar garoobayso la wareegida Amaanka Guud ee Dalka oo hada ay adagtahay sida loo maarayn lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.