Xildhibaan Shaacir oo markiisa ujawaabay Wasiir Xoosh oo sheegay in ay is sharxi karaan wasiirada doonaya G. Baarlamaanka

Gudiga Doorashada ee dhawaan la magacaabay ayaa ee doorashada gudoomiyha Baarlamaanka Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa ujawaabay wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya oo maalinimadii shalay bogiisa Facebook ga ku soo daabacay in uu is sharxi karaan Xildhibaanada Wasiirada ah.

Xildhibaan shaacir oo horay usheegay in ay wasiirada Mar ka hore is casilaan hadii ay doonayaan in ay qabtaan xilkaan ayaa mar kale ku celiyay in aysan is sharxi karin wasiirada asiga oo ujawaabay Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, waxa uuna tilmaamay in aanu jirin qodob sheegaya in wasiirada is sharxaan ama udiidaya balsa ay iyaga isla garteen in si ay cadaalad dhex dhexaad unoqoto uu ay is casilaan wasiirada doonaya xilka.

 

Shalay ayay ahayd markii uu wasiir xoosh sheegay in ay is sharxi karaan Wasiirada ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ee doonaya in ay qabtaan xilkaas uuna jirin sharci ka hor istaaga in ay isku sharxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.