Makatab Casri oo laga Furay Magaalada Bebera Sanado badan Ka dib

wararka ka imaanaya Magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in magaaladaas laga furay Maktabad wax lagu akhriso mudo dheer ka dib, iyada oo halklaas lagu qabtay Xaflad balaaran oo lagu daah furayay maktabada.

maktaba ayaa waxaa yaala buugaag fara badan oo dadka halkaas imaanaya ee doonayay in ay wax akhristaan si sahlan ku heli karaan iyada oo goobta ay leedahay meelo wax lagu akhristo.

Duqa Magaalada Berbera Cabdi shakuur Cidin ayaa sheegay in maktabadanbi ay tahay mid Muhiim  ayna yaalaan buugaag badan oo cilmi ka buuxo kuwaas oo gaaraya 15 oo kitaab

sida laga sheegay Xaflada Maktabada ayaa loogu tala galay Ardsayda qaybaheeda kala gadisan iyo dadaynaha kale ee jecel wax barashada ee ku dhqan soomaaliland gaar ahaan Bebera.

Gudoomiyaha Gobalka Saaxil oo Goobta ka hadlay ayaa in ku boorinayo Shacabka Magaalada Bebera in ay uhagar baxaan sidii ay meel saro ugaari lahayd Magaalada ayna taas ka caawinayso Maktabada laga hirgaliyay magaalada.

waxaa ka qayb galay Xaflada Masuuliyiin badaban oo ku dhiira galiyay dadwaynaha iyo maamulka Maktabada in la sii wado masuuliyiin ay ka mid yihiin, Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyha Xisbiga UCID, Wasiir ku xigeenka waxbarashada, Cabdilqaadir Dhegaweyne iyo wasiirka diinta iyo awqaafta.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.