Gudoomiye Muudeey “Dastuurka Saxda ahaa ee dalka waa laxaday”

Gudoomiyaha ku xigeenka Kuubaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh ibraahim Muudey ahna ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay sheegay in hadda dowladda Soomaaliya aysan ku shaqeyn dastuurkii ay meelmariyeen Odayaasha dhaqanka ee loogu tala galay in dalka lagu maamulo.

Gudoomiyer Muudeey ayaa tilmaamay in dastuurka hadda ay ku shaqeyso Dowladda Soomaaliya uusan ahayn dastuurkii ay ansixiyeen Ergada Soomaaliyeed, islamarkaana Midkii Saxda ahaa la xaday.

dhanka kale waxa uu sheegay in dastuurkii hore uu ahaa mid ay maalgaliyeen dalal Shisheeye, islamarkaana ay hadda ay muhiim tahay in la helo dastuur ay yeelato dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.

Waxa uuna ugu baaqay Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid in uu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa dastuur Saxan oo dalku yeesho.

Muudey ayaa sheegay in hadda dowladda Soomaaliya ay dhaqaale iyo maskax ahaan awooddo in ay sameyso dastuur Soomaaliyeed oo Caafimaad qaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.