Gen Morgan oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Garowe

waxaa si diiran magaalada Garowe loogu soo dhaweeyay Gen. Maxamed siciid Morgan oo ka mid ah shakhsiyaadka ugu Cd cad isla markaana  shaaciyey in ay u taganyihay qabashada xilka Madaxweynenimadda Maamulka Puntland doorashadda dhici doonta sanada soo aadan ee 2019.

General Moogan ayaa soo dhaweyntiisa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan hay,adaha Puntland, bulshada rayidka iyo dadweyne fara badan oo si iskood ah isu soo abaabulay, ruxayeyna boorar ay ku xardhanyihiin haldhigyo ay ka midyihiin soo dhawow General Moorgan.

Jananka ayaa warbaahinta u sheegay in uu xilka madaxweynaha u tartamidoono sanadka 2019 ka , waxaa uu xusay in uu kulamo lasoo qaatay saladiinta dhaqanka, ganacsadatada iyo qaybaha bulshada ku dhaqan ku dhaqan magaalooyinka Boosaas iyo Qardho uuna u sharaxay ujeedka uu xilka isugu soo tagay iyo waxa uu Puntland ka badelidoono hadii uu ku guulaysto kursiga doorashada dhacaysa Janaayo 2019.

Leave a Reply

Your email address will not be published.