Jawaari Oo Baarlamaanka Ka hor Cadeeyay in uu Is Casilay

Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka Fedaraalk ah ee Soomaaliya Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka hor sheegay in uu is casilay.

Jawaari oo horay looga dalbaday in uu xilka ka dago ayaa is jiid jiid dheer ka dib aqbalay maalmo ka hor asiga oo ugu danbayn ku dhawaaqay in uu is casilayo, maalinimada arbacada ah oo maanta ku beegneed shalay.

Gudoomiye Jawaari ayaa Xildhibaanada u caeeyay in uu iska casilay Gudoomiyaha golaha Shacabka, waxa uuna shaaciyay in aysan jirin koox guuleesatay ama koox laga guuleestay , waxa uuna ka hor sheegay baarlamaanka in Shacabka iyo sharciga Soomaaliyeed ay guuleesteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.