Konteenaro Khmari ka Buuxo oo xalay si qarsoodi ah looga soo dajiyay Dekada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada Booliska ee ilaaliya Dekada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Konteenaro a ka buuxaan Khamri oo habeenimadii xalay Si qarsoodi ah looga soo dajiyay Dekada Muqdisho.

Ciidamada ayaa sheegay in konteenarada iyo Ragii lahaa gacanta ay ku dhigeen iyaga oo sidoo kale sheegay in ay ku wareejiyeen Ciidamada Nabad sugida.

waxaa la filayaa in saacadaha Soo socda la soo bandhiyo ragii lahaa iyo khamriga faraha Badan ee la doonayay in lagu iibiyo magaalada.

Arintaan ayaa ka dhigay mid lidi ku ah shreecada slaamka oo Xarimtay isticmaal iyo ka ganacsi Khamriga, lamana oga waxa ay ka qaadi doonto Dowlada Soomaaliya Falkaan halista ku ah Shacabka Soomaaliyeed, dhowr jeer oo hore ayay Ciidamada Dowlda gacanta ku soo dhigeen Khamrada dalka lagu farsameeyo ee loo yaqaan Calaqa.

Ugu dambayn waxaa Sanadkii 2014 ka bishii Oktobar  labaatankeeda Khamri fara badan lagu Gubay Barxada Iskool buliisiya ee magaalada Muqdisho, kaas oo sidaan oo kale si qarsoodi ah looga soo dajiyay Waxaana Goob ka ahaa Burburinta Kunteenarkaas Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.