Naanulka Goobalka Gedo oo sheegay in ay Diyaariyeen Ciidanka Difaaca Balad Xaawo

Maamulka Gobalka Gedo ayaa sheegay in ay Dowlada Kenya kala Hortagi doonaan Dagaal Hadii ay joojin waydo Xad gudubka ay ka wado Xadka Gobalka Gedo la wadaago Dhulka NFD ee Kenya Maamusho.

Ciidamada Kenya ayaa bur burin ka wada Guryo ku yaala Degmada Balad Xaawo oo ka trirsan Gobalka gedo waxaana Shalay halkaas lka dhacay Banaan Baxyo Rabshada Wata oo lagag soo horjeeda Darbiga ay kenya Marinayso Xaduuda

Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Militariga ayaa la sheegay i la geeyay Xadka kuwaas oo ujeed koodu yahay in ay wax ka qabtaan Xad gudubka ka socda Xaduuda.

Gudoomiyaha ku xigeenka Gobalka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa Xusay in wixii hada ka dambeeya dagaalkii ay kula jireen alshabaab ay uwareejin doonaan Kenya oo uu sheegay in ku soo xad gudubtay Dalka.

waxa ayna sheegeen in ay diyaariyeen Ciidankii difaaci lahaa Magaalada Balad Xaawo waxa ayna sheegeen in kenya labadii maalin ee ugu dambeeyay ay dhul boob iyo barakicin ka wadeen magaalada.

Muuqaalo la soo duubay ayaa lagu arkay Shacab caraysan oo kenya kula dagaalamaya halka Darbiga laga dhisayo waxa ayna lu tiirayaan dhagaax gawaarida gaashaaman ee ciidanka kenya.

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in kenya aysa gudaha usoo galin Soomaaliya balsa ay Dadka balad xaawo horay guryo uga dhisteen Gudaha kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.