Xiisad Ka dhalatay Xi ka qaadis Duqa Magaalada Baladwayne oo haatan ka taagan Magaaladaas

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladwayne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay si xowli ah uga socoto xiisad ka dhalatay Shaqo jiijin lagu sameeyay Duqii magaaladaas.

Ciidamo fara badan oo raacsan Duqa magaalaa Cali Dhuux Cabdi Mahadale ayaa lagu arkayaa wadooyinka waawayn ee Magaalada kuwaas oio qal qal galiyay Amaanka Magaalada.

warka ayaa intaas ku daraya in ciidanka Taageersan Cali dhuux ay Hareereeyeen Xarumaha Maamulka Gobalka Hiiraan iyada oo Cabsi xoogan laga soo sheegayo Magaalada,

wareegto Xalay sqade dhex ka soo baxday wasaara Arimaha Gudaha Maamulka Hirshabelle ayaa lagu sehegay in shaqada laga joojiyay Duqa baladwayne.

ugu danbayn waxaa socota waan waan lagu qaboojinayo Xiisada ka taagan Baladwayne oo ay wadaan wax garadka Magaalada Balawayne.

Leave a Reply

Your email address will not be published.