Marcus Rashford oo looga gacan haatinayo Kooxda Real Madrid

Kooxda ku bada Cagta real Madrid ayaa doonaysa Gooldhaliyaha Kooxda Manchester United Marcus Rashford sida ay ku soo warmayso warbaahinta Sapain.

Xidiga da’da yar ee United oo haatan wakhti wanaagsan ku qaadanaya Kooxdiisa ayaa ayaa la soo sheegaya in ay aad udoonayso kooxda manchester ee ku ciyaarta garoonka Masraxa Riyada.

sida uu baahiyaya wargaysa Spots ayaa sheegaya in Rashford uu diirada usaaran yahay tabaraha Madrid isla markaanka uu ku dabooli doono booska Bale ama Benzema oo hada uu mugdi sii galayo mustaqbalkooda kooxda.

Marcus rashford ayaa ah xidig Muhiim oo ay United si sahlan ufasi doonin, waa xidig si wanaagsan uyaqaan shax ciyaareedka machester waxa uuna ka soo baxay kooxda yar yar ilaa uu ka mid noqdo kooxda waa wayne ee united.

xidiga ayaa 12 gool 19 ciyaarood uu ka soo bilaawday garoonka, waxa uuna badal ku soo galay ciyaarta 3 ciyaarood wadarta guud kulama uu ciyaaray ayaana ka dhigay 22 kula oo ku soo muuqday Garonka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.