Wasiir Bayle oo la kulmay Ciidanka iyo Saraakiisha ilaalinta Canshuuraha.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxamaan Ducaale bayle ayaa maanta waxaan booqosho ku tagay Garoonka Diyaaradaha Aden Ade airport, wuxuu halkaasi kula kulmay Ciidanka ilaalada Canshuuraha iyo waaxda canshuuraha barigga, waxa ayna ka wada hadaleen dardar galinta uruurinta canshuuraha.

Saraakiisha Ciidanka ilaalada canshuuraha barigaa ayaa wasiirka uga warbixiyay shaqada ay hayaan gaara ahaan qaybta uu maanta wasiirku booqaday ee Airborka ka howlgasha.

Wasiirka iyo Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Canshuuraha aya aka wada hadlay Sidii loo dardar gelinlahaa uruurinta Canshuuraha, isaga oo sidoo kale ku amaanay howsha ay hayaan ciidankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.