yariisoow oo kala hadlay Safiirka Masar in ay maal gashi ku sameeyaan Muqdisho

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiiraxmaan Cumar Cismaan eng. yariisoow ayaa kulan kula qaabilay Xafiiskiisa Safiirka Dowlada Masar ee fadhigiisu yahay maghaalada Muqdisho.

Kulank au yeesheen eng. yariisoow iyo Danjire Mowliid Ismaaciil oo ay waheliyaa Madax ka socta bangiyada Masar ayaa waxaa diirada lagu saaray arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Xiriirka ka dhexeeya dowlada Soomaaliya Masar.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in dowladaha Soomaaliya iyo masar uu ka dhaxeeyo Xiriir Soo jireen ah, waxa uuna ku sii daray halkiisa in ay diyaar uytuhiin sii xoojinta Xiriirkaas.

Ugu danbayn Eng. yariisoow ayaa ka dalbaday Wafdiga Masar ka socday in ay dalka lagu sameeyo Maal gashi, gaar ahaan Gobalka Banaadir oo Caasimada Dalka isla markaana uu madax ka yahay .

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.