Saraakiil sar-sare oo ka tirsan shabaab oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Ururka alshabaab ee dagaalka kula jira Dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa Caalami ah ayaa gacanta ku soo dhigay Saraakiil katirsan shabaab kadib howlgal aya ka sameeyeen Degmada Awdhiigle ee Gobalka Shabellaha Hoose.

sida uu sheegay Gudoomiye xigeenka Gobalka shabellaha hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdule ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigau Cabdi Xakuiin Abu Xamza oo ahaa Ninka ugu sareeya Maaliya ee Gobalada Banaadir iyo shabellaha Hoose, iyo sidoo kale sarkaal kale oo lagu soo koobay magaciisa shiikh Muudeey oo ka mid ahaa Madax jabiya yasha alshabaab ee Amniyaatka.

ilaa hada KJooxda alshbabaab wax war ah kama soo saarin sheegashada Maamulka shabellaha dhexe, mana jiro war madax banaan oo cadaynaya arinkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.