Madaxwaynaha Koofur Glbeed oo lagu eedeeyay in wax ka ogyahay Moowshinka laga Gudbiyay Gudoomiye Jawaari

xildhibaan Cabdi fitaax Geeseeyay oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh aadan in uu doonayo in uu burburiyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi fitaax Geeseeyay oo ka hadlay xildhibaano sheegay in ay taageersan yihiin Mooqshinka ka dhanka Gudoomiye Jawaari oo ka soo jeeda Deegaanada Koofur galbeed, ayuu ku eedeeyay shariif xasan.

geeseeyay ayaa sheegay in aanu jawaari ahayn Ugaas iyo Suldaan toona uuna yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka, isla markaanka laga daayo Bur burinta lagu haayo Baarlamaanka, l, hadalo uu ku hadlay ayaa waxaa ka mid ah “waxaa ognahay in Jawaari uusan aheyn Ugaas iyo Suldaan”,  asiga oo ku tilmaamay in xildhibaanada qaar ay yiraahdaan is casil “Waxaa nasiib darro ah in Xildhibaano qaar inay yiraahdaan is casil”

Hadalka ka soo yeearay Xil;dhibaan Geeseeyay ayaa ku soo aadaya iyada oo xiisada siyaasadeedka udhaxaysa Xubnaha Golaha shacabka ay sii xoogaysanayso.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.