Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Furay Wado Muhiim u ah isku Socda Dadwaynaha

Gudoomiyaha Goblka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan eng. yariisoow ayaa maanta fueat wado muhiim oo lagu gooyay Dhagxaan.

eng. yariisoow oo saakay furay wadad Hor marta Xira gaadiidka ayaa sheegay in uu qorshuho yahay in dhamaan la furo wadooyinka Muhiimka ah ee uxiran siytaabaha kale duwan.

Gudoomiaha Gobalka Banaadir ayaa umahad celiyay Ciidanka Booliska oo ogalaashahooda lagu furay wadada, waxa uuna sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in dib loo furo asiga oo tilmaamay in ay qayb katahay barnaamijyada lagu hormarinayo Caasimada asiga oo sheegay in ayqab ka tahay bilicda caasimada.

Gudoomiye Yariisoow ayaa sheegay in dhawaan ay Furi doonaan Wada hormata Xarunta C. i.d taas oo muhiim u ah Isku Socodka Dadwaynaha waxa uuna sheegay in Tani bilow tahay in ay dhawaan Furi oonaan wadooyin kale oo muhiim ah.

waxaan ku soconnaa in dhammaan waddooyinka xiran loo furo shacabka, si loogu fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda, intii amni looga maari waayo mooyee, sidaas daraadeed, asiga oo shacabka ugu baaqayn in ay isku diyaariyaan dhismaha waddooyinka iyo soocelinta Bilicda Caasimada.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa dadaal ugu jira sidii uu wax badan laga badali lahaa nolasha Guud ee Caasimada oo hada soo kabanaysa, ka dib burbur wakhti dheer qaatay oo soo maray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.