Taliyayaasha Ciidamada kala Duwan ee Somaliland oo Udhoofay Dalka Imaaraatka

Taliyaaysha Ciidamada Sopmaliland ayaa udhoofay Magaalada Abu dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, waxa ayna qayb ka yihiin wafdiga Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyaga oo gadaal kaga biiray wafdiga.

Taliyayaasha ciidamada Booliska Militariga, asluubta iyo taliya ilaalada Xeebaha oo ay wehliyaan wasiiro ka toirsan Xukuumaa Muuse biixi waxa ayna la kulmi doonaa madaxda Imaaraadka Carabta, waxaanay wada diyaarin doonaan waxyaabihii uu madaxweynuhu ka dalbaday Dowlada Imaaraadka inuu u qabto Somaliland.

Madaxweynaha Somaliand Muuse Biixi ayaa sheegay in waxyaalihi uu Imaaraadka kala hadlay ay wada qorsheyn doonaan hay’adihii khuseeyey, waxa kale oo uu sheegay inuu Imaaraadka kala hadlay sidii ay uga caawin lahaayeen in Dowlada Sucuudigu ay dib u furto suuqa dhoofinta Xoolaha somaliland oo in mudo ah xirnaa. iyo sidoo kale in Imaaraatka lagu imaan karo Baasaboorka Somalialnd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.