Aqalka Sare oo magacaabay Gudi dhex dhexaadiya Khilaafka ka dhex aloolsan Xildhibaanada Golaha shacabka

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanata Gudi usaaray Xalin Khilaaf Xoogan oo soo kala Dhex galayXildhibaanada Golaha shacabka Fedaraalak ah ee soomaaliya oo maalmahaanba waday Mowshino kala duwan oo mid dhan ula socdo.

Gudiga joogtada ah ee baarlamaanka Fedaraalka ayaa umagacaabay Gudo ka kooban 7 xubnood oo ka tirsan aqalka sare si ay xal uga gaystaan arinta cakiran ee ka dhex aloolsan Baarlamaanka oo laga yaabo hadii aan la xalin ay saamayso dalka oo dhan.

Gudigaan ayaa waxaa hor kacaya Gudoomiyaha Aqalka Sare iyada oo ay ku wehliyaan xubno kale oo ka tirsan Golaha Hoos ka akhriso:
Cabdi Xaashi Cabdullahi, Guddoomiye
Mowliid Xuseen Guhaad, Xubin
Zamsam Ibrahim Cali, Xubin
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Xubin
Maxamud Axmed Mashruuc, Xubin
Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, Xubin
Muhyudiin Sheekh Cali Jaamac, Xubin.

Gudigaan ayaa laga dhowr sugi doona waxa ay ka soo saaraan maadaama ay iyaga ku baxayn arinta Xal keeda, xili warbaahinta la isku marinayo hadalo kul kulul.

Leave a Reply

Your email address will not be published.