Dowlaa Itoobiya oo Markii ugu horeeysay war ka soo saartay Arinta Berbera

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in heshiiska 3 geesoodka ah ee ay kala saxiixdeen DP world Somaliland iyo Itoobiya in aanu khusayn Siyaasada Soomaaliya.

afhayeen u hadlay wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya oo lagu magacaabo males alem ayaa sheegay in dowladiisu ay ixtiraamayso Dowlada Soomaaliya ayna Faragalin ku samaynayn arimaha Gudaha Soomaaliya.

Afhayeen oo la hadlay Talafashinka Aljazeera xili uu ku sugnaa Xarunta dalkaas ee ADIS ABABA ayuu sheegay in uu heshiiskaan khuseeyo laba Arimood oo kala ah logistakada iyo ganacsiga oo kaliya.

waxa uuna sheegay in uu dalkiisa Soomaaliya ka dhexeeyo xiriir wanaagsan bishii la soo dhaafayne uu booqasho ku joogay dalkiisa Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay dalkiisa uu lee yahay Khayraad fara badan isla markaana ay aad ugu baahan yihiin dekado ay isticmaalaan Asiga oo sheegay in dalaka Jabuuti iyo suudan ay hada wax kala soo degaan oo ay xiriir wanaagsan kala dhexeeyo, isla markaana hada ay danaynayaan dekado kale oo ay wax kala soo degaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.