Maamulka Hirshabelle oo sheegay in aysan waxba ka qaban karin alshabaab

Maamulka Hirshabelle ayaa qaylo dhaan Xoogan ka soo saaray Xoogaga alshabaab ee ku soo xoogaysanaya deegaanada Maamulkaas waxa ayna Dowlada Federaalka usoo jeediyeen in ay wax ka qabato dhibaatada sii xoogaysansa ee shabaab.

Gudoomiya Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa Shiikh Cusmaan Maxamad Bare oo  ayaa sheegay in deegaanada Maamulkaas ay ku soo badanayaan Dagaal yahanada alshabaab isla markaana aysan awood ulahayn Maamulkooda.

waxa uu sheegay in wadada muqdisho iyo jowhar ay mar ahayd wado amaan ah oo ay ,mari jhirreen Masuuliyiin fedraal ah oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano balsa hada aysan Macquul ahayn in la maro wadadaas.

Ugu danbayn Gudoomiyaha ayaa sheegay in alshabaab ay si aad ah usoo buux dhaafsheen deegaanada Hirshjabelle ayna adagtay sidii wax looga qaban lahaa, dowlada dhaxane ay wax ka qabato arinta taagan ee alshabaab,

Leave a Reply

Your email address will not be published.