Farmaajo Oo Markale ku wajahan Qatar xili uu sii xumaanayo xiriirka Dalalka Go’doomiyay Qatar iyo Soomaaliya

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Faramaajo iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa todobaadkaan ku wajahan Dalka Qatar oo ay go’doomiyeen dalaka Khaliijka.

Warar laga helay Madaxtooyada ayaa sheegay in Wafdiga Madaxwaynaha ay ku jiraan ugu yaraan 5 wasiir oo ka mid ah Xukuumada Khayre, ku waas oo heshiisyo Hormarineed la soo gali doona wasiirada dhigaooda ah ee Xukuumada Qatar.

Dowlada Sacuudiga ayuu horay  Madaxwayne Farmaajo ugu tagay Booqashadiisii ugu horeeysay markii uu xilka qabtay iyaga oo ku heshiiyay dhowr masharuuc o ay fulin lahaayeen wasiirada Soomaaliya iyo dhigooda sacuudiga, waxa aysa kala laabatay Markii ay Soomaaliya Diiday in ay xiriirka Ujarto Dowlada Qatar.

Booqashada wafdigaan Xoogan ee uu Madaxwayne Farmaajo hogaaminayo ayaa ku soo aadaya xili uu sii xumaanayo Xiriirka udhaxeeyo dalaka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.