Madaxwayne Farmaajo oo Furay Kala Fadhiga sadexaad ee Baarlamaanka

Waxaa maanta Si rasmi ah Muqdisho uga Furmay Kala Fadhigii 3aad ee Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka ah ee Soomaaliya oo hada uu si toos ah ugu socdo Xarunta Dugsiga tabarka Ciidamada ee Gen. Kaahiye, waxaana Furay Munaasabada Madaxwaynaha Jamhuuriyada Fedaraalka ah ee Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka.

kala fadjiga sadexaad oo ay isku mar wada furnayaa Xildhibaanada labada aqal ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay gudoomiya yaasha labada aqal ee Golaha shacabka iyo Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa maanta la dhaarin doonaa Sadex Xildhibaan oo ka mid Noqonaya Mudanyaasha Baarlamaanka oo lagu so kala doortay magaalooyinka Kismanyo Jowhar iyo Baydhabo.

Waxa ayna kala yihii Magacyadooda sida tan:

Fatxi Saciid Xasan
Maxamad Cabdulahi Saraj
iyo Nuur iidoow bayle

Leave a Reply

Your email address will not be published.