Khayre oo ka qayb galay Shir uu gar wadeen ka yahay Bangiga Aduunka

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa magaalada Washinton ee cariga M,araykanka uga qayb galay shir uu soo qaban qaabiyay Bangiga aduunka oo looga hadlayo sidii loo maarayn laha dhibaatooyinka Nabad galyo la’aanta.

Waxyaabaha sida goonida ah looga hadlay waxaa ka mid ah dhibaatooyinka dagaalada iyo baahida baahsan ee dunida xiligaan ka jirta.

Shirkaan oo ahaa mid dood ah ama su;aalo la iska waydiinayay ayaa khayre waxa uu si faah faahsan uga hadlay waxa ay xukuumadiisa ka qabatay iyo waxa uu hiigsanayso wakhtigaan, waxa uu si gaar ah uga hadlay, la dagaalanka Musuq maasuqa, iyo soo kabashada dhaka dhaqaalaha oo horaan agu amaanay xukuumadiisa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.