Koonfur Afrika 01Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa casuumaad ugu sameysay gudaha dhismaha Safaaradda dublamaasiyiinta ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya oo ku tababaranaya dugsiga sare ee akadeemiyada dublamaasiyadda ee wasaaradda xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee Koonfur Afrika.

Dhismaha safaaradda oo ku yaalla xaafadda Hatfield ee Pretoria oo ay ku badan yihiin dhismayaasha safaaradaha caalamka ay ku leeyihiin Koonfur Afrika ayaa lagu diyaariyay maqaaxida u gaarka ah cunto dhaqameedka ay Soomaaliya caan ku tahay sida canbuulo-galleey, bun, mashmash, i-cun i calaaji, shushumow, sambuus, xalwo, kac-kac, qaxwo, daan-gawiis iyo moos Soomaali. Waxaa kaloo halkaasi ka muuqday qalabka hiddaha iyo dhaqanka oo ay ka mid ahaayeen koor, tusbax, qulo, barkin qori iyo qudde , iyadoo halkaas dublamaasiyiintu ka quraacdeen, halka qadada ay ka cunteeyeen coloseum hoteel.

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, danjire Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi oo madasha casuumadda oo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay hab-dhaqanka sharfan ee dublamaasiyiinta tababaranaya oo uu ku tilmaamay kuwa sare u qaaday haybadda, sharafta iyo isku xirnaanta Soomaalida.

“Waxaad tusaale wanaagsan u noqoteen ummadda Soomaaliyeed, waxaadna guul u tihiin howsha bilowga leh ee tababarka oo ay soo abaabushay safaaradeenna cusub, waxaan rajeynayaa in tababar kan ka duwan oo lagu tayeynayo aqoonta iyo xirfadaha howl-wadeennada kala duwan ee ka kala tirsan xafiisyada madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka iyo lagu qabto halkan, waxaad tihiin iftiin mustaqbal leh oo Soomaaliya u soo baxay, waxaad inoo soo jiideen wanaag iyo sumcad,” ayuu hadalkiisa ku yiri danjiraha.

Waxaa lagu wadaa in 28-ka bishan lasoo af-jaro tababarka heerkiisu sarreeyo oo uu u socdo 21 dublamaasi Soomaaliyeed ah oo muddo sannado ah ka shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliay, waxaana tababarkan uu qayb ka yahay tababarro wasaaradda ay ku horumarinayso habka shaqo ee shaqaalaheeda kala duwan.

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid gabar wariye ahayd oo lagu magacaabi jiray, Raxmo Cabdulqaadir, iyadoo aan la ogeyn kooxaha dilkeeda ka dambeeya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in laba dhallinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay toogteen gabadha, iyadoo kusii socotay gurigeeda, waxayna ka howlgalaysay idaacadda Caabudwaaq oo ku taalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

“Raxmo C/qaadir waxay ka mid ahayd wariyeyaasha ka howgala idaacadda Caabudwaaq, waxayna ka tirsanayd qaybta farsamada waxaana nasoo gaartay in xalay lagu dilay Muqdisho,” ayuu yiri Agaasimaha idaacadda Raadiyo Caabudwaaq, C/kariin Axmed Bulxan.

Bulxan ayaa sheegay inaysan ogeyn xilli ay wariyaha soo aadday Muqdisho, isagoo xusay inay aad uga xun yihiin dilak wariyaha ka mid ahayd shaqaalaha idaacadda, ayna tacsi u dirayaan ehellada wariyaha.

Gabadhan ayaa waxay noqonaysaa wariyihii saddexaad oo lagu dilo Muqdisho sannadkan, waxayna sidoo kale noqonaysaa wariyihii labaad oo dumar ah oo lagu dilo Soomaaliya 22-kii sano ee ay colaaduhu ka jireen Soomaaliya, waxaana ka horreysay Duniyo Muxyadiin Nuur oo 25, Juun 2005 lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

“Falkan waa fal aad u fool xun oo wuxuushnimo ah, cambaareyn ayaana uga tuuraynaa ciddi ka dambeysay,” ayuu si kulul u yiri xoghayaha guud ee ururka Qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cusmaan oo k usugan dalka Belgium.

Maydka wariyaha ayaa waxaa goobtii lagu dilay ka qaaday ehelladeeda, iyadoo falkan uu imaanayo xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay dadaal u galayso sidii loo sugi lahaa ammaanka saxafiyiinta Soomaaliyeed.